Carrabkii Umadda Tanade Daarood Ma Liice Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Oo Hambalyo Iyo Tilmaamo Toosan Hawada U Mariyey Dhamaan Beesha Gudo Iyo Qurbo Ku Nool
Sunday - September 11, 2016

Ugaaska Beesha Tanadda Daarood bir labkii aan liici-jirin wax kasta oo ku dhaca ma Liice Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed oo waqti
xaadirka shaqo usan ka wahsan iyo danaha tolka u jooga magaalada Garowe ayaa ciida
barakeysan awgeed hawada u soo mariyey hadal hambalyo iyo dardaaran wanaag badan ku xardhantahay u diray dhamaan shacuubta islaamka iyo gaar ahaan
shacabka iyo qooysaska Reer Tanade Daarood oo ku sugan dacalada caalamka
iyo gudahaba, waxuuna ku yiri sidaan:
Waa Kan Dhambaalkiisi Hambbalyadda Caafimaad Qabka Ahaa
------------------------------------------
"Walaalayaal, Ugu horeyn Waxaan ku bilaabaya
bisinka Alle Raxmaan Raxiimka ah, waxaana mahad gaara iska leh
ilaaha Raxmaanka ah ee inagu simay inaan sii dul joogna aduunkaan anago oo maanta caafimaad qab ku ciideyna inta xanuunsana Allaha Caafiyo, sidaa daraadeed iyo ciida
barakeysan awgeed, waxaan halkaan salaan guud uga
diraya dhamaan musllimiinta meelkasto oo ay joogaan iyado si gaara
sokeeyaha karaamada leh aan isku tirinaayo inaan ka mid ahay ee reer Tanade aan u diraayo salaan iyo hambalyo ku qotonta duco iyo diiranaan, anigo Allaha weyne ka baryaya inu naxariistiisa sanadkaan sandkiisa kale dhamaanteen aan la kulano
ayaamo wacan oo toosan.
Walaalayaal, Tan Duni ahi way axwaal
badantahay, oo lagama dhamaado mixnadeeda iyo dhibatooyinka uu qofku uu
dhex jibaaxayo, waxay leedahay xungu-ruufooyin iyo turutu-rooyin aan la sooo koobi-karin iyo buuro aan sahal lagu korin. kuwaas oo nolosha bani'aadamka ku yeesha saameyn dhinac
walba ah oo aanu hareer mari-karin mudada u joogo ifka, sidaa darteed
waxaa idin kula dardaarmaya inaad mar-kasta iyo goor-kasta isku wada
waasteysaan is farida in Walaalo iyo Ehel la yahay, la is faro talooyinka wanaagsan ee wax-tarka leh, iyo inaan meel isgu bayrno oo aan danta aanu leenahay ku kulano. waayo nin aniga yiri rag iska reeb .. Walalayaal, Dadku iyagoon isku kas ahayn iyo garaad-toona ahayn, oony isku aragti iyo ujeedo-toona ahayn, oonay isku ficil iyo damqasho-toona ahayn, oona isku qab ahayn, oon isku kalgacal iyo naxariis-toona ahayn ayey haddana wadaagaan danta guud ee isku xirka wada noolaan-shadooda, wadda dhalasha-dooda, wada dhaqan-kooda wadatashi-gooda, wada deganaan-tooda, is xaq dhoor-kooda, is xushmeyn-tooda iyo is qadarin-tooda.
Arimahaa iyo kuwa la mida sidii loo hirgalin-lahaa, waxaa keena daacdnimo, iyo run ka sheega halkey dantu ku jirto iyo iyado hal jiho lagu wada duulo iyo markasta in hal go'aan la qaato.
Walaalayaal, hadal iyo dhamaanti, waxaan hadalkeyga ku soo koobaya in bulsha waliba ay leedahay xaq, wadannkuna xaq buu leeyahay, oo waxaan aniga iyo hogaanka dhaqanka iyo jilba culusti tolka halkaan Garowe isku bahaysatay ayaa gogoshu no taal, waxaana gudoonsanay inaanu gaasirin illa aan Garowe ka soo xaqiiqsano dharigi aynu wada jirka dabka u saarnay halkii u aayihiisi ku dambeeyey iyo xaqa noga maqan maamulkaan aan bartanka
uga jirno. ma jirto si aanu wax ugu sheegin masuullinta halkaan ku sugan. xaashaa lilaahi waana ku mahadsan-yihiin garta ay naga dhageysteen iyo hawraarsanka ay noo muujiyeen .. waxaana balansanahay madaxweyne Gaas oo aan in shaa-allaah markale iyo halkaan Garowe ku kulmi-doono.
Waxaan kalo idin ku wargalineynaa inaanu si lobby ah kulamo soo jiidasho leh aan la sameynay bulshada Beelaha kale qaarkood ee walalaheena reer Puntland iyado tashigu ahaa in shacabka reer puntlanad xuquuqdooda iyo sami qaybsi-gooda la is la raadiyo oo is macneynta, fuuqsiga sadbursiga iyo ku joogsiga la joojiyo .. Sidaa iyo ciid wanaagsan wabilaahi tawfiiq .. Wasalamu Caleykum Wa Raxmatulaahi."