Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxda Itoobiya Iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf

Sunday - August 3, 2008

Mogadisho: Warar xog-ogaal ah oo la xaqiijinayo, lagana soo xigtay wasiiro ka tirsan dawladda Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in khilaaf cusubi soo kala dhex galay madaxda dawladda Itoobiya iyo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, kadib markii madaxda itoobiyaanka ay talo ku soo jeediyeen in la taageero go'aankii raisal wasaaraha Nuur Cade ee ku aadana xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.