Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025

Deg-Deg: Ciidamo Ka Soo Jeeda Galmudug Oo Ka Baxay Dhinaca Galmudug Gaalkacyo Kuna Sii Jeeda Jeexdin

Thursday - September 29, 2016



Gaalkacyo-War naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay goor dhaweyd oo saaka ah ciidamado ka soo jeeda Galmudug ay ka dhaqaaqeen duleedka magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku sii jeeda deegaanka Jeexdin oo barriga gobalka Mudug oo ay halkaas ka taagnayd xiisad colaadeed.

Warkan ayaa sheegaya in ay maleeshiyadan ka mid yihiin maleeshiyaad ka yimid dhinaca magaalada Cadaado oo labo  habeen ka hor u aaday soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xasan Guuleed, iyadoo hadda la xaqiijiyey in ay isu diyaariyeen qaab duulaan .

dawladda Puntland oo dhawr goor xariiro lagala sameeyey arinkaas wey ka gaabsatay in ay ka hadasho, balse warar cusub ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ay jiri karaan weeraro ay saacadihii ugu dambeeyey Hanjabadooda wadeen xubnaha ugu sareeya Galmudug.

Wasaarada Gaashandhiga mareykanka ayaa shir jaraaiid ku sheegtay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa gaarka ah ee PSF-tu wada fuliyeen kuna dileen Saraakiil kamid ahaa Al- Shabaab,  hasa ahaate maamulka galmudug ayaa arinkaa ka biyo diiday oo yiri waxay ahaayeen ciidamamo ka tirsan Galmudug .