Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025

Raad-Raaca Taariikhda Geed Malcuunka "Geed Qaadka"

Sunday - October 2, 2016




Muuqaalkiisu waa cagaar, wuxuu leeyahay magacyo kala duwa. Wuxuu ka baxaa dalalka, Itoobiya, Kiiniya, Ugaandha, Tanzaaniya, Bariga Za’iir( koongo) ilaa koonfur afrika. Muddo ka dib wuxuu u gudbay Yaman iyo Sacuudigia. Qarnigii labaatanaad ayuu soo galay dhulka soomaalida

Sida ay sheegeen taariikh-yahannadu Geedka qaadku wuxuu ku siman-yahay saddex boqol iyo konton sanno ka hor dhalashadii nebi ciise( N.N.K.H). Boqor wakhtigaasi noolaa oo la oran jiray Alexanderkii weynaa oo xukumi jiray dalka Masadooniya ( koonfurta yurub) ayaa qaad u soo diray Janaraalkiisii oo la oran jiray Harrar, si uu isaga daweeyo cudur maskaxeed keena walbahaar iyo walaac. Oo afka qalaad lagu yiraa Melankooliga ( miraab, 1929). Wakhtiyadii dambe waxa soo baxay in qaadka iyo candhuuftu dawo yihiin, waxaana sheegay baybalka kiristaanka ee Borotastanku aaminsan yihiin. Waxaana loo adeegsan jiray in wax lagu bogsiiyo. Soo bixitaankii islaamka lama sheegin qaadka iyo meelo lagu isticmaalo.

Islaamka debadii buugii ugu horeeyey ee qaadka laga qoro wuxuu ahaa buugga la yiraa "walxaha lagu walfo". Waxaana qoray Najiib As-samaarqanddi. Waxaana la qoray sannadkii 1237-kii. Qayb ka mid ah buuggaasi oo qaadka ka hadlaysa wuxuu yiri” waa Geed ka baxa kiilwaa ( waa kiiniyadii wakhtigaasi) oo loo adeegsado firfircoonida iyo dawada walaaca ee cudurka Melankooliya.

Taariikh-yanka la yiraa "Al-caamiriyi oo qoray buug la yiraa Masaalikul Absaar oo la qoray muddadii  u dhexaysay 1249-1342 wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaadka. Isagoo ka hadlaya wuxuu sheegay" waa geed xabashiyeed oo aan lahayn miro, laakiinse la cuno laamihiisa jilicsan ee yar-yar. Waxaanu qofka ka maaransiiya cuntada, cabbidda iyo galmada. Waxana cuna kuwa ay mushkiladu haysato amma soo jeedaya habeenkii iyo waliba kuwa doonaya inay shaqo deg-deg u dhammeeyaan. Sida dadka Yamaneed maandooriyaha qaadka u jecel yihiin ayey hindiduna u jeceshahay maandooriyaha Batal.

Waxa jiray buug ku qoran af-xabashigii hore ee Jiis. Waana buug aad u facweyn. Waxan la qoray wakhtigii itoobiya xukumayey Boqorkii la oran jiray Amda Saayon. Waxaanu xukumayey itoobiya 1314-1344-kii. Kacdoon ayaa kaga kacay qaybo itoobiya ka mid ah, ka dib wxuuu dhaqan-galiyey beeridda iyo cunnida qaadka, si dadkaasi ay uga jeestaan kacdoon ka, kuna mashquulaan qaadka, si dadkaasi ay uga jeestaan kacdoonka, kuna mashquulaan qaadka oo loo naanaabiyo. Arrintaasina wuu ku guulaystay, oo sidii uu doonayey ayey u dhacday.

Taariikhyahan kale oo la yira Al-maqriisi oo noolaa qarnigii shan iyo tobnaad , ayaa ka hadlay qaadka. Waxaanu yiri "Reer Saylac waxay cunaan geed aan miro lahayn, oo caleentiisu u eegtahay ta liinta. Dadka ayaa cuna caleentiisa marka ay cunaana waxay kordhisaa fahankooda, waxayna soo nooleysaa arrimihii ay illaaween. Caleentaasi waxay hoos u dhigtaa xiisaha cuntada iyo galmada. Qofkana waxay ka kaxaysaa hurdada.
Caalim reer Yamaneed ahaa oo la odhan jiray Abii-Bakar ayaa ka hadlay qaadka, waxaanu yiri "qofka cunaa wuu mirqaanaa, waxaanu ka guura murugada. Laba saacadood ka dib waxa ku habsada qofkii walaac iyo walbahaar ka fara badan kii hore. Akhlaaqaduna way ka xumaata. Wuxuu ka-kaxeeyaa xiisaha cuntada iyo raaxadii hurdada. Wuxuu dadka ka soo daadiyaa kaadida iyo shahwada. Wuxuu hadlakan sheegay caalimkani muddo imika laga joogo afar boqol oo sannadood.

Dawlada Boqortooyada ingiriiska ayaa soo dirtay nin la yiraa Richard Burton oo si weyn uga sheekeeya dhulka somaliland. Wuxuu maray dhul badan, wuxuu ku hadli jiray af-carabiya. Taasina waxay u saamaxday inuu sheegto Sheekh, oo dadku aaminaan. Wuxuu yimid magaalada Harar sannadkii 1854-55-kii wuxuu sheegay in magaalada ku noolaayeen 8,000 oo qof. Wuxuu qaadka ku sheegay  "qaadka waxa cuna madaxda sar-sare caleenta yar-yar inta l ururiyo, lana qooyo,lana tumo, ayaa laga dhigaa kuus-kuus sida kubbadda oo kale ka dib daanka ayaa la dhigaa. Culimada Harar sidii kuwa Yamanta ayey qaadka u sheegeen Quutal- Awliyo. Waxay qabaan inuu faa’ido weyn leeyahay. Sida qalbiga oo laga farxo, hurdadoo yaraata. Cuntada isagaa kuu galaya. Reer Harar maalin kasta way cunaan, waxayna bilaabeen 9-ka subaxnimo illaa duhurka.  Qoraaga Richar Burton wuxuu aaminsan yahay in geedka qaadku ka yimid Harar ka dibna Yamanta u gudbay.

Dalalka geedka Qaadku ka baxo
1- Itoobiya gaar ahaan , Harar, Diridhabe, Kafaa iyo Shawaa
 2-Kiiniya gaar ahaan, Gown, Khuyuulo
 3-Yaman............dhammaan dalka oo dhan
 4-Sacuudi Arabiy gaar ahaan, Al-suraah, Viiva, Banii maalik iyo Arrayth
 5- Muusaambiig gaar ahaan, Gaaza-Khayranda
 6- Ruushka iy Afgaanistaan meelo ka mid ah, balse magacyadooda lama hayo

Ka Xigasho: Cali Cabdi Coomay