Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025

Ciidamada Puntland Oo Keeb La Yuurar Ah Iyo Galmudug Miciyo lisaneysa Iyo Ikhyaarta Sacad Oo Ganafka Ku Dhuftay In La Horseedo Dagaal La Isku Hoobto

Friday - September 30, 2016




Gaalkacyo-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay xaaladda magaaladu caadi tahay oo aysan hadda waxba dhib ah ka jirin, laakiinse dhinaca Koonfureed-baraxley ee magaalada ay weli ka taagantahay dhiilo colaadeed.

dhawr jeer ayaa Hub culus laga maqlay duhurnimadii maanta dhinaca Xaafadda Baraxlay, balse maamulka Puntland ilaa hadda kama aysan jawaabin hadalada iyo Hanjabaadaha ka so baxaya maamulka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca Puntland Saraakiil ka tirsan ciidamada Difaaca ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in aysan haba yaraatee jirin wax dhaqdhaqaaq ah, oo ay xili kasta ka shaqeynayaan difaaca iyo sugida amniga xaduudaha Puntland.

Saraakiishu waxay beeniyeen in wax ciidan ah oo kamid ah kuwa difaaca Puntland ay ku durkeen meelo aysan horey u joogin, balse waxay sheegeen in ay ciidamadu xili kasta u taagan yihiin sugida iyo difaaca Shacabka Puntland ayna taasi tahay masuuliyad saaran oo ay gudanayaan, balse aysan waxba ka jirin warar la buunbuuniyey.

Shacabka ayaa Waqooyiga magaalada si daganaansho ku dheehan tahay u ganacsanaya, laakiin dhinaca Koonfurta ayaa wali waxaa ka jira saameynta ay ku reebeen duqeymo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen bariga gobalka Mudug.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in uu jiro wada hadal xasaasi ah oo u socda Odayaasha iyo Saraakiisha Galmudug oo ay uga hadlayaan duqeymihii dhacay iyo sida ay xaqiiqadu u taalo, waxaana jira warar sheegaya in ay Odayaasha Beesha Sacad si cad uga soo horjeedaan in dagaal dambe uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo.