Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025

Warar Cusub Oo Ku Saabsan Duqeynti Bariga Mudug

Sunday - October 2, 2016




Gaalkacyo - Wararka ka imaanaya xagaa iyo dhinaca Galmudug ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Galmudug u magacaabay guddi gaara oo baaris ku soo sameeya duqeyntii ay diyaaradaha Mareykanku la beegsadeen maleeshiyaad ay ku sheegeen Ururka Al- Shabaab oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan geysan-lahaa.

Sido kale war la isla dhex marayo dhinaca Gaalkacyo-Puntland ayaa sheegaya in kooxo xa-jira doonayeen in ay barriga gobalka Mudug ka sameeyaan weeraro gaadmo ah, iyagoo isku ekeysiinaya Beesha Koonfurta Gaalkacyo, sidaasna uu ku bilowdo dagaal culus oo u dhaxeeya Beelaha Waqooyi iyo Koonfurta, si ay u helaan jaanis ay nabadgalyo darro ku dhex dhigaan labada dhinac ayna uga faa’iideystaan, kaas oo ah dhaqanka iyo falalka lagu yaqaano kooxaha Argagixisada.

Teeda kale waxaa jira war iyadana sheegaya in ay dawladda Mareykanku si rasmi ah gacanta uga saartay Galmudug sawiro iyo cadeymo muujinaya sida ay u dhacday duqeyntii Gaalkacyo iyo wixii hawlgaalkaas ku kalifay, hasa-yeeshe war lagama hayo in maamulka u ku qancay warbixintaas iyo in kale.