Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025

Warar Ku Saabsan Magacaabida Xubnaha Aqalka Sare Ee Puntland

Monday - October 3, 2016



Garoowe- Warar maanta la isla dhex marayo goobaha kulanka ee bulshada ku sugan magaalada Garowe ayaa xog ahaan ku tilmaamaya in Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ila maalinta arbacada ee fooda nagu soo haysa uu shaacin doona magacyada xubnaha ay Puntland u sharaxday ka qeybgalka Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn 5- October 2016 ay tahay waqtigii ay horey u jeediyeen guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya.

Shakhsiyaad badan oo sida la sheegay isugu jira siyaasiyiin kol hore batarigoodi biyaha ay ka dhamaadeen, horeyna qaarkood xilal ka soo qabtay dawlada federaalka iyo Puntland iyo weliba dumar dhoola-caddeynaaya ayaa dadaal, orod iyo lobbying kabihii ay ciribtu kaga dhamaatay sidi ay ku hanan lahaayeen kursiga aqalka sare, taaso marar badan su'aasha iyo codsiga siyaasiyintaas ee ah aniga beel heblaayo ka taagan iyo kala horkooda ay ku abuurtay cabdi-weli dhafoor qabad inu kuwi hore ee siyaasiyiinta taayarada ka dhamaday soo celiyo iyo inu kuwa cusub tijaabiyo.

Puntland ayaa saami ahaan u heshay 11 xubnood, waxaana sida muuqata hadda qeybinaaya madaxweyne Cabdi-weli Gaas, iyadoo Madaxweynuhu uu maalmihii ugu dambeeyey shirar kala duwan la lahaa La-taliyaashiisa iyo Odayaasha Beelaha Puntland.
Aqalka Sare waa mid ku cusub saaxada Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaanse la aqoon saameynta u ku leeyahay awooda dalka iyo gaar ahaan doorashada madaxweynaha, waayo illa hadda ma cada sharciga iyo xeer hoosaadka u ku shaqeynaayo.