Itoobiya Oo Dhabihi Ay Jeexday Somaliya U Booday Oo Hadba Meydkeeda Sidata .. Dhinac Walba Xabad Baa Yuuseysa Iyo Warshadi Shamintada Oo Gubaneysa
Tuesday - October 4, 2016

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha careysan ay weerareen shirkad shamiitada sameysa,warshaddaaso u iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika oo la yiraahdo Mr. Aliko Dangote.
Waxaa sido kale goobta lagu gubay gawaari sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino waaweyn, Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, iyagoo halkaas ka sii daayey maxaabiis farabaddan oo qaarkood ku eedeysnaa qarandumis, iyagoo isla markaa dab ololaaya qabad siiyay gawaarida dowladda.
Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka careysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay .. Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado markii dambe isu badashay.