Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Qiso Sugnaatay .. Hadaladi Dhex Maray Nabi Maxamed NNKH Ee Gudbin Jiray Waxyiga Iyo Malaka-mawtkii Ruuxa Ka Qabtay
Friday - October 7, 2016
Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalin-keeda dhiman-doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Rasuulku wuxuu u wacay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii oo salaaddii ayuu ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asxaabtii wuxuuna yiri: Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan idin kaga tagayaa adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro.
Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, illahay ayaa u wax-yooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: booqo xabiibkayga Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin kana soo laabo.
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer Baadiyo ah, wuxuuna yiri: Assalamu calaykum yaa rasuulalaah ma soo galaa? Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.
Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: Ma garanaysaa ninka? Faaduma waxay tiri: Maya, rasuulku wuxuu yiri: waa ninka kala geeya dadka is jecel, qaraabada guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt.
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tiri: masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa waxyigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kadibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan isla kulmeyno, wuxuu kaloo rasuulku yiri: malakul Mowdow soo gal, wuuna soo galay malakulmowt, wuxuuna yiri. Assalamu calayka yaa rasuullulaah, rasuulkuna wuxuu yiri: wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta? Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi-weydo waan iska noqonayaa! Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan uga soo tagay samada adduunyada, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri: waan ogahay rasuulkii Illaahayow. Rasuulku wuxuu yiri: iigu bishaare illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama iyo wanaag ah.
Malakul-jibriil wuxuu yiri: albaabada samada waa la wada furay, malaaigtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay. Rasuulku wuxuu yiri: iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?.
Malakul-jibriil wuxuu yiri: waxaan kuugu bishaaraynayaa illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan. Rasuulkuna wuxuu yiri: hadda ayuu wanaagsanaaday qalbigaygu, igana baxday murugtii. Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow ii soo dhowow. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.
Rasuulku wuxuu yiri: maxaa darnaan badiyey xaraaradda xanuunka mowdka, wuxuu kaloo yiri: malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegitaanka wajigayga?. Malakul-jibriil wuxuu yiri: illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay gacmihiinu.
Rasuulkii illaahay wuxuu geeriyooday maalin isniin ah ee bisha Rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid.
Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii illaahay .. Rasuulka waxaa dhaqay Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay Suubanaha (NNKH.).
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story