Wado Ku Dayasho Mudan .. Mudane Jose Mujica Oo Caalamka Looga Aqoonsaday Madaxweynihi Aduunka Ugu Faqiirsanaa
Monday - October 17, 2016

Madaxweynihii hore ee Uruguay Mudane. Jose Mujica oo talada dalkaas hayey sanadadii 2010-2015 ayaa xiligiisii loo aqoonsaday madaxweynaha ugu faqiirsanaa madaxweynayaasha caalamka kaasoo markuu talada dalkiisa la wareegay diiday inuu dego xarunta madaxtooyada dalkaas isagoo ka door biday inuu xaaskiiisa kula noolaado gurigiisa hore ee ku yaalay duleedka caasimada dalkaas eeMontevideo isagoo jeclaystay in aanu iska dayacin beertiisii taasoo uu waqtiga firaaqada ah ku beeri jiray ubaxyo iyo dhir kale oo manaafacaad leh wuxuu sidoo kale diiday markuu madaxweynaha noqday inuu gaadrigiisii hore ee Volkswagen Beetle 1987 bedelo, Wuxuuna mushaharkiisa bishii 90% ugu deeqi jiray masaakiinta, ilaaladiisuna waxay dhamayd labo askari keliya
Inkastoo uu xilka madaxweynimo ka degay hadana, wuxuu horseeday wado ku dayasho mudan taasoo madaxweynayaasha ka dhigaysa in aanay ahayn boqoro sharciga ka sareeya balse ay yihiin adeegayaal bulsho oo xilka waqti cayiman haynaya dabadeedna noloshoodii hore ee caadiga ahayd ku noqonaya
Had iyo jeer waxaa dhacda in madaxweynayaasha qaar markay xukunka qabtaan ku noolaadaan nolol indho-sarcaad ah taasoo iyagoo awoodooda iyo kursiga ay ku fadhiyaan ka faaiidaysanaya ku xalaashaaadan inay sharciga ku jebiyaan oo xoolaha ummadda ku lunsadaan, balse madaxweyne Jose Mujica tilmaamahaas wuu ka badbaaday, Caadiyan waxaa loo yaqaan madaxweynihii Aduunka ugu faqiirsanaa waayo waxaa laga eegay heerka noloshiisa taasoo aan waxba iska bedelin noloshiisii hore iyo tan danbe ee madaxweynenimo, waxaa dhif iyo nadir ah inaad aragno qof awoodaya inuu ku noolaado nolol raaxo oo misana iska diiday haduuse kaasi jiro waa madaxweynihii hore ee dalka Uruguay mudane Jose Mujica meel dheerba ha ka doonin weligaa miyaad aragtay qof dabaqada dhexe ah oo u nool sida dabaqada hoose ama qof dabaqada sare ah oo u nool sida dabaqada dhexe, jawaabtaadu waa maya waayo qofka marka dhaqaalihiisu kordhaba heerka noloshiisuna kor bay u kacdaa.
Muxuu Faqiirnimada Ka Aaminsan-yahay
Mushaharka uu bishii qaadan jiray wuxuu ahaaa $ 12’000 wuxuuna iska diiday inuu dego qasriga madaxtooyada isagoo ka door biday inuu ku noolaado guri uu isagu lahaa oo ku yaal debeda caasimada Montevideo kaasoo xataa wadadiisu Raf wada siigo ahayd, Isaga ayuun baana sidaas goostay wuxuuna yiri waxaan u noolaan karaa sida aan anigu doono iyadoon duruufta dhaqaale igu kelifin waxaa sidoo kale la yaab ahayd ninkani mushaharkiisa bishii wuxuu masaakiinta ugu deeqi jiray $ 90% taasoo u dhiganta sidan hoose
Totalka Mushaharka madaxweynaha Bishii $ 12000
Deeqda Masaakiinta $ 10800
Cashuurta Dakhliga $ 400
Isu geyn $ 11200
Net Salary $ 800
Sida aad aragtaan waxaa u soo hari jiray lacag dhan Sideed boqol oo doolar bishii taasoo u dhigmaysay mushaharka qofka caadiga ah ee reer Uruguay bishii qaato sidaas oo ay tahay misana ciriiri dhaqaale muu dareemi jirin waxaabuu rumaysnaa in ciriiriga dhaqaale iyo baahida joogtada ay keento ku walfida wax aanad lahayn taasoo qofka caadeysta mar kasta ka dhigta faqiir baahiyi eryeyso wuxuuna yiri faqiirka dhabta ahi waa kaas xoolo cirdoonka ah ee wax aanu lahayn eryanaya
Hadal iyo dhamaan madaxda afrikaanka ahi ma ka baran doonaan cashar ninkan odeyga ah oo ma u dhaqmi-doonaan intay xukunka hayaan sida Jose Mujica u dhaqmay iska daa inay mushaharkooda masaakiinta siyaane xoolaha ummadda kale ee ay masuulka ka yihiin ma nabad gelin doonaan sidoo kalena dadka iyaga ku dhow dhow sida qaraabadooda iyo Asxaabtooda siyaasada ma ka xakamayn doonaan ku tagri falka xoolaha ummadda ee ay masuulka ka yihiin, waxaad waaliftoon wedkaa helin ka waantoobay waa war loo noqon sidaa waxaa ka dhigan madaxda qaarada afrika gaar ahaan kuwa soomaalida ah maamul kasta ha ka taliyaane maxaad kaga daali miyaanu sayid maxamed cabdale xasan sii sheegin musuqmaasuq soomaali waa meheradeediiye