Obama Oo Yiri: Damiinka Trump Wuxuu U Hadla Sidi Nin Doorsamay isuna Eekeysiinayaa Putin-ka Ruushka
Wednesday - October 19, 2016

Washinton-Madaxweyne Obama ayaa ku dhaliilay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump in uu siyaasaddiisa u ekeynayo tan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uuna markasta ammaano
Obama ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan looga baran siyaasadda Maraykanka.
Mr Trump ayaa ballanqaaday in uu xiriir dhow la yeelan doono Ruushka, haddii uu ku guuleysto tartanka loogu jiro Aqalka Cad.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale Trump ku canaantay eedeyntiisa ah in looga shuban-doono doorashada bisha dambe dhacaysa, asagoo ugu baaqay in uu calaacalka iyo naanaada joojiyo, isla markaana uu siyaasadihiisa ka iibiyo shacabka Maraykanka.