Qiiso .. Su'aal Xujo Ah Oo La Damcay Cali Ibn Abii-Daalib RC In Lagu Ceebeysto Iyo Cali Oo ...
Sunday - November 13, 2016

Hordhac: Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola gurigii Rasuulka SCW, waayo Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da' ah oo misna aanan hanti buuran lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas buu Nebigu SCW u tegay adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay is-raacaan oo u tagaan Abii Daalib oo ka caawiyaan korinta carruurta. Waxay u tegeen Abii Daalib, markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri: Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan kaxaysta.
Markaas buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar qaan gaaray oo uu guursaday, goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid ka yar Jacfar da' ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday gurigii Rasuulka SCW oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin iyo cilmi wanaagsan.
Sidaynu ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga SCW aaskiisa ka qeyb qaatay, Rasuulkuna SCW wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay. Sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga SCW. Sidoo kalena wuxuu ahaa mid kamid ah raggii qabriga dhigay.
Waxaynu ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa saxaabi aad iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo halka uu gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid in badan dheer saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga SCW. Waxaa dhab ah in ummadani uu ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga SCW, dabadiina Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.
Sidoo kale Nebigu SCW wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan kamid ahay.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.
-------------------------------------------------------------------------------------
Su'aashi Cali La Damcay In Lagu Ceebeeyo
Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali binu Abii Daalib RC isaga oo rabey inuu weeydiiyo su'aal u is-lahaa weey ku adkaan doontaa Cali .. Gaalkaas wuxuu fiirsadey Sayd Cali oo la joogo dad badan, markaasu ayuuna doortey inuu su'aasha weeydiiyo, si hadii Cali binu Abii-daalib uu garan waayo su'aashaasi uu u ceeboobo...
Ninkii ayaa Sayd Cali weeydiiday inuu sheego nambar hadii loo qeeybiyo numbarada u dhexeeyo 1 ilaa 10 ay jawaabta noqoneyso tiro aan jajab laheyn .. Cali ayaa ku jawaabay oo yiri: Maal-maha sanadka ku dhufo maal maha Usbuuca, waxaadna heli jawaabta, su'aasha aad I weeydiisay
Ninkii ayaa yaabey, ka dibna bilaabey inuu xisaabtan galo si uu u ogaado iney sax tahey jawaabta Sayid Cali iyo in kale .. Ninkii La yaab ayeey ku noqotey inuu Cali sheegey jawabatii uu rabey.
Maxaa yeeley sanadkii wuxuu leeyahey 360 Maal-mood (waa sida calenderka carabiga tusinayee)
Usbuucana wuxuu leeyahey 7 Bari
Hadii labadooda la isku dhufto (360 x 7= 2520)...
Markaas hadii 2520 loo qeybiyo nambarada u dhexeeyo 1-10 sida su'aasha aheyd, waxeey noqoneysaa sidatan:-
2520 loo qaybiyey 1 = 2520
2520 loo qaybiyey 2 = 1260
2520 loo qaybiyey 3 = 840
2520 loo qaybiyey 4 = 630
2520 loo qaybiyey 5 = 504
2520 loo qaybiyey 6 = 420
2520 loo qaybiyey 7 = 360
2520 loo qaybiyey 8 = 315
2520 loo qaybiyey 9 = 280
2520 loo qaybiyey 10= 252
Ninkiina meesha ayuu ku ogaadey Jawaabta Cali uu ka bixiyey ineey tahey 100% mid sax ah
Hadaba meeshaan waxaa laga qaadan-karaa qofka Alle isku xira marnaba inaanan waxba laga qaadi kareen, Sidoo kale haddii aad ilaaliso wax yaabaha uu Alle dushaada dhigey, Alle-na wuu ku dhawri doonaa Adduun