Wargeys GQ Oo Faafiyey Sawirada Xaaska Donald Trump Oo Qaawan Iyo Fadeexad Soo Wajahday Aqalka Cad
Wednesday - November 23, 2016

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa soo wajahay culays ay saxaafadda ku buun-buuniyeen sawiro sanadkii 2001 laga qaaday xaaskiisa Melania Trump oo qaawan xiligaasoo ay model ahaan ku shaqeyn jirtay.
Melania Trump ayaa la helay sawiro badan oo ay gebi ahaanba qaawan tahay taasoo ah mid aan ku habooneyn haweeyneyda noqon doonta marwada koowaad ee dalka Mareykanka, waxaana ay tan dhalisay in aqalka cad ee Mareykanka lagaga arrimiyo la iska weydiiyo tani oo ah mid aan anshax ahaan ku habooneyn baratakoolka madaxnimo.xaaska-trump-3
Waregyskan oo GQ lagu magacaabo oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa faafiyay sawiradan xilli uu Trump isku diyaarinayo inuu xilka la wareego, waxaana ay dood iyo buuq ku dhaliyeen shacabka Mareykanka oo awalba shaki kaga jiray madaxnimada Donald Trump.