Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Aftahanimadu Waa Mid Dabiici Ah Iyo Mid La Kasbado By Xasan X. Aadan

Wednesday - April 15, 2009

Waxaan ugu horayn salaamayaa dhamaan akhristayasha sharaf ta leh salaantaa ka dib waxaa  mahad iska leh ilaahi ina baray akhriska iyo qorista,intaas ka bacdi waxaan jeclaystay inaan qalinka ula tago arrin muhiim ah  oo dhalinyarada qaar ay ku dhiiranaan kari waayeen inay wax ka qoraan oo ah waxa loo yaqaan( aftahanimada).

Umadda ku dul nool caalamka aduunyada dusheeda,ilaahay ma simin isku midna kama dhigin,midbaa aqoon leh midina waa jaahil,midbaa garaad iyo maskax  ilaah ku manaystay midbaa maan gaab ah,midbaa hadal yaqaan ah midna dadka ayuu buuq iyo sawaxan uu ka dhex aloosaa.

waxaa biyo dhacu noqonayaa in qofka aftahankaayi  aanu ka tarjumin ama shardi u noqon inuu gabyo ama maahmaah sheego laakiin aftahanimadu ay tahay inuu qofku uu dadka ku kaxeeyo rimood uu ku geeyo ama u jeediyo mawqifka uu wato somaalidu horay u tidhi(hadalna lakala odhan og rabina lakala baryi og)oo ay ujeedadu tahay  markaas in ay bayaamiso in aftahanku wato calan aan cidna ka qarsoonayn oo meel dheer laga soo arki karo ,mana muujiso aftahanimadu in qofku hadalka badiyo ama yareeyo.se waxay ku wacantahay in qofka erayadiisu yaraadaan waxa uu dadka u gudbinayaana la fahmo waayo hadii uu  maantoo dhan hadlaayo laakin dulucda warkiisa aan la fahmin taasi waxay noqonaysaa (biyo col dhaanshay).