Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wareysi: Ciyaaryahanka Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxda Elman Maxamed C/Qaadir Mayoow " Dacayeey"

Friday - April 17, 2009

Waxaa inoo suuragashay inaan wareeysi layeelano Maxamed Cabdulqaadir Mayoow ”Dacayeey” oo ka tirsanaan jiray Ciyaartooydii soo martay Xulka Qaranka Somalia Xiliyadii dowlad la’aanta isla markaana ka tirsanaa Kooxda Elman oo caan ku ah Qaadashada Horyaalka Kubada Cagta Somalia.

Dacayeey waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho Degmada Waaberi wuxuuna kusoo barbaaray Degmada Madiina oo uu ku dhamaystay Dugsiga sare iyo Dugsi Quraan.

Maxamed Dacayeey waxa uu ciyaaraha kusoo biiray isagoo aad u da’ yar wuxuuna ka soo ciyaaray kooxihii heerka labaad isagoo caruur ah kooxaha Sancada iyo Badda, markaa ka dib waxa la kulmay xiligii dowlad la’aanta waqtigaasoo uu u qaxay degmada Afgooye.

1994-tii oo dib loo bilaabay kooxaha heerka koowaad ee horyaalka 32-aad ee kubbada Cagta Soomaaliyeed ayuu Ciyaaryahan Dacayeey waxaa uu ka mid ahaa ciyaartooydii u qaaday koobka Horyaalka 32aad ee kubada cagta wuxuna ka tirsanaa kooxda Haajis, waxaayna u ahayd horyaalkii ugu farxada badnayd noloshiisa inkastoo uu horyaalo badan ku guulaystay.

Ciyaaryahanka waxaa uu inoo sheegay inaay u burburtay dhaqaalo la’aan kooxdiisa Haajis ka dib markii ciyaarihii looga rabay inaay ka qeyb gasho ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo badalkeeda gashay kooxda Midnimo.

Isla sannadkaasi waxa uu ka qeyb galay ciyaaro lagu qabanayay garoonka Muqdisho Stadium iyadoo magaalada Muqdisho ay lahayd Qad cagaaran oo labada garoon waa Stadio Koonis iyo Muqdisho Istaadiyum lagu kala qabtay laba horyaal ayuu misana magaca SITT ugu qeyb galay ciyaarihii ka dhacayey koonfurta Muqdisho, waxaana cajiib ahayd isagoo ku tilmaamay wax uu ula yaabay xiligii aadka uxumaa ee waliba garoomada lagu dhex arkeyey hubka noocyadiisa kala duwan taasoo aad iiga fajicisay, oo hadii gool aad dhaliso laguu shegayo in lagu dili doono ama mararka qaarkood hadii koox gool dhaliso ay dabaal degu ahayd Xabado kor loo ridayo.

S.I.T.T Daallo waxay kaalinta labaad ka gashay horyaalkii lagu qabtay Stadio Muqdisho waxaana ciyaartii ugu danbaysay 0 – 1 koobka ku qaaday kooxda Elman goolkaasoo uu dhaliyey Xasan Shuute, koobkaasi waxaa loogu magacdaray koobkii Iftiinka Nabada.

Maxamed C/qaadir Mayoow Dacayey waxaa loo magacaabay 1995-tii ciyaartooydii Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb galayey Ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qabtay Uganda.

Sannadkaasi Ciyaarahii ugu horeeyey uu ka qeyb galay ma ahayn kuwo guulo uu kasoo hooyey waxaa ay uga qeyb galayeen magaca Somalia ma jirin Tababar kufilan iyo dhaqaalo la’aanta iyo waliba Dowlad la’aanta ka jirta dalka Somalia.

1996-dii ayuu Dacayeey ku biiray kooxda Elman waxaana uu u qaaday 3 horyaal iyo Hal Janaraal Daa’uud iyo koobab badan oo munaasabado ah.

Kooxda Elman waxay dibada aaday sannado badan waxaana ay ugu qeyb galaysay koobka horyaalada Bariga iyo ’Bartamaha Afrika kuwaasoo ay kala tageen dalalka Kenya, Zanzibaar, Uganda, Tanzaaniya, Zambia iyo dalalka kale.

Kooxda Elman waxaa lagu xusuustaa in si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka qeyb galeen ciyaaro ka dhacay jaziirada Zanzibaar taasoo ay ka keeneen dhibco dhan 5, kulamadii ay ciyaareen waxay ahayd hal kulan oo ay ka badiyeen kooxda horyaalka Zanzibaar oo la yiraahdo Malandega waxayna ugu badiyeen 1 – 0 oo goolka guusha u dhaliyey ciyaaryahan Ciise oo lambarka 9aad u sitay kooxda Elman, halkulan baro baro ayay la galeen kooxda Zimba oo ahayd horyaalka dalka Tanzaaniya waxaase kulankii ugu danbeeyey ka badiyey koox ka socotay Burundi.


Sidoo kale waxay ciyaar u tageen dalka Uganda 2003-dii iyagoo ahaa kooxda Elman waxaana ay kasoo hooyeen Guulo la taaban karo iyadoo gool tirsi ay ugu soo baxeen tartankaasi.

2002-dii ayuu markale ciyaaryahanku ka qeyb galay ciyaarahii Bariga Bartamaha Afrika da’doodu ka hoosayso 21-jirada ee xulalka Qaranka Afrika waana ciyaartii ugu xumayd oo uu ciyaaro intuu ciyaaraha kusoo jiray iyadoo 11-gool laga soo dhaliyey.

Isla sannadkaasi wuxuu ka qeyb galay Ciyaarihii Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika, taasoo uu ku tilmaamay Ciyaaryahan Dacayeey kulan aad qiimo badan ugu fadhiyey shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya oo ay ka badiyeen dalka Ethiopia waxaana ay kusoo gabagaboowday 1 – 0 waxaana goolka u dhaliyey ciyaaryahan Shaarkeey, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan ciyaartooydasi waxaa loo qeybiyey Bilado geesinimo.

Mar aan wax ka weydiiyey ciyaartii ugu xumeyd ee soo marta waxaa uu ii sheegay inaay dhex martay kooxaha Elman iyo Dekadaha taasoo kusoo idlaatay 1 – 1 bar baro waxaase muragada ay ka timi ka dib markii barbarahaasi ay ka faa’ideeysatay kooxda Banaadir Telocom oo koobkii horyaalka ku qaaday waxaana ay sarta ka quruntay markuu macallinka kooxda Elman uu is lahaysiiyey inuu ka badinayo kooxda Dekadaha isagoo 7 ciyaaryahan uu tarabuunka saaray si haduu u badiyo uu Finalka isu diyaarinayay inuu la ciyaaro kooxda Banaadir taasna waxaa gaashaanka u daruuray kooxda Dekadaha oo barbaro ku celisay soo dhamaysay tartankii.

Ciyaaryahan Dacayeey waxa uu ciyaaro saaxiibtinimo u tagay gobolada dalka Somalia qaarkood, xili dagaalo ay ka socdeen waxaana ka mid ahaa gobolka Bay oo aan markaasi dhulka la mari karin amaan daro awgeed balse ay diyaarad ku tageen, sidoo kale waxa uu safar dhulka ah laba jeer ku yimi magaalada Jowhar xiligaasi oo lafteeyda aan wareeysanayo ka mid ahaa Ciyaartooydii Gobolka Sh/dhexe oo isu diyaarinayay inaay ka qeyb galaan tartanka gobolada ee lagu qabtay Garoowe sannadkii 2000 iyo waliba kooxda CEFA oo si weyn looga yaqaano magaalada Jowhar isla markaana sannadkaasi ahayd horyaalka degamada Jowhar.

Gobolada uu soo maray intuu u ciyaarayay kooxda Elman waxaa ka mid ahaa gobolada dhexe ilaa Puntland taasoo ay ugu dan lahaayeen is dhexgalka bulshada iyo sidii nabad loo heli lahaa waana markii ugu horeysay ee koox ceynkaasi ah ay kusoo wareegto qaar ka mid ah gobolada dalka Somalia taasoo dhalisay inaay isku soo bartaan ciyaaryahano iyo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Dacayeey wuxuu ciyaaraha ka fariistay isagoo da’yar ka dib markii dhibaato xoog badan uu kala kulmay dhaawac culus oo soo gaaray gacantiisa bidix dhibaatooyinka Somalia ka taagan awgeed.

Mar aan ka wareeystay ciyaaraha dadkii ku dhiiri galiyey wuxuu inoo sheegay inaay ka mid ahayeen:

Adeerkiis Jaamac Mayoow Jaamac ”Juuma” oo u ciyaari jiray kooxdii hore Batroolka wuxuuna haatan ku nool yahay dalka Somalia Magaalada Muqdisho.

Abtiga Shariif Cali Cawad ”Shariifoow” oo goolhaye u ahaan jiray kooxda Minishiibiyo iyo xulka Qaranka Soomaaliyeed sannadihii todobaatameeyadii waxa uu haatan ku nool yahay dalka Sacuudiga magaalada Jiddah.

Siid Cabdi Xaaji ”Siidkeey” oo u ciyaari jiray kooxda Badda iyo Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo haatan ku nool magaalada Muqdisho.

Ciyaaryahan Dacayeey wuxuu mahad gaar ah u celinayaa Macallimiintiisa kala ah:

Macallin Cabdulaahi Siyaad, Macallin Abuukar Islaaw oo lababaduba haatan kusugan Muqdisho.

Macallin Cabdi Faarax Geelle oo Muqdisho ku nool, Macallin Sakariye Maxamed Maxamuud oo ay garoon wada galeen isla markaana macallin u noqday hatana ku nool dalka Ingiriiska.