Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dayaarad Duuliyihii Waday Uu Dhintay Iyadoo Hawada Sabeyneysa

Tuesday - April 14, 2009

USA-florida- Diyaarad yar oo sidey 6 qof oo ku jiro duuliyihii wadey ayaa markey hawada caga-cageynesey qiyaastii ilaa 10.000 oo feet dhulka ka sareysey ayaa sida wararku sheegeyaan uu duuliyihii geeriyoodey, waxayna ku tilmaameen in wadnaha lagaga soo boodey, hasayeeshee 5-tii kale ee rakaabka diyaarada ahaa ayaa mid ka midi ahi la tacaaley sidii uu hogaanka diyaarada u qaban lahaa, inkastoo la shaaciyeey in ninkaaasi hore u haystey shahaadada wadida diyaaradaha nooca hal-injiinka leh, balse ay diyaaradani lahayd laba-injiin ama mishiin.