Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wasiirki Jaaliyadaha Diaspora Mr. Azhari Oo Weli Mitir-Mitir U Tirinaya Socdaalkiisi Waqooyi Amerika

Sunday - April 19, 2009

USA- Minnesota: Mudane Cabdulaahi Axmed Azhari wasiirka jaaliyadaha " Minister of diaspora and communities abrod of TNG" ayaa socdaalkiisi dalalka waqooyiga ameerika gaar ahaan Kanada iyo Mareykanka weli duulid mailka  ku tirinaya isagoo qorshihiisu yahay inu wax ka ogaado xaalada wacyiga jira ee jaaliyadaha isla markaana si digtoon u dhegeysto aragtida iyo talooyinka ay soo jeediyaan bulshooyinkaas Soomaalida ee dalalkaas ku kala nool oo qaba in taladu ku toosto wada tashiga, Aayahana aysan cid kale ka arimin iyado xaaladaha taagan loo baahanyahay iney isbadasho si looga baxo qarawga argagaxa lala soo tooso iyo taaha loo dhimanayo

Bishaan 13keedi ayu booqasho 6 maalmood soconeysa ku yimid Gobolka Minnesota,waxaana Gegada dayaaradaha ku soo dhaweyey masuullin ka tirsan bulshaweynta goblkaas ku nool,iyagoo isla markiina si dhaqso ah ugu gudbiyeey Hoteelka habka weyn ee Hilton oo leh meel lagu dabaasho laguna dalxiiso, waxaana loogu tala galay inu ku nasto mudada u martida halkaas ku yahay.

Mudane Cabdulaahi Axmed Azhari isla bishaan 18keedi 6 galabnimo waxuu khudbad xiso badan leh ka jeediyey hoolka lagu magacaabo Zhurah Shrine center oo ay isugu yimaadeen jaaliyada reer Minisoota laguna qiyaasay tiro boqolaal dadweyne oo isgu jira waxgarad ,aqoonyahano, hooyooyin iyo culimaaudiin, waxuuna wasiirka halkaas kala kulmay sacab iyo mashxarado u ka maqsuuday... wasiirka khudbadiisa gaar ahaan marku ka warbixiyey qaranka dumay iyo sida masiibada ah ee dalka u qaybsamay oo sheegay in sadex qayb-ahaanteed qurba ay ku nooshahay oo wixi dalka ku haray ay noqdeen Qaflan-Baaban iyo harmcad u guuxaya inu buntukh xeer ka dhigto iyo weli kuwa kibirku u baaqayo...wasiirka oo hadalkiisa si watay waxuu yiri: "Codkiina iyo waxqabadkiina ayaan sugeynaa, guntigiinana giigsada oo daqarka dalka iyo dadka gaaray mawqif guud ka yeesha"... dadkii hoolka ayaa khudbadi wasiirka ku diirsaday kuna  tilmaamay mid qiimo iyo qaayo leh oo bulshada reer Minnesota ay si wacan ugu riyaaqeen, Isla markaa wasiirka waxuu goobta shirka kaga jawaabay dhawr su'aalo oo la xariira falsafada ka dambeysa dhismaha wasaaradaan dhawaanta la magacaabay iyo sidi ay hawsheeda u qabsan lahayd.

Waxaa xusid mudan shiirkaan guud ahaan dhacay ka hor in wasiirka illa shalay iyo doraad oo si gaar gaar ah ula kulmaayey Cumunitiyaasha bulshada ay ku leeyihiin goblkaan oo ay ka wada xaajoodeen gogolxaarka wada shaqeynta wasaarada iyo jaaliyadaha arladaan ku nool, sido kale waxuu la shiray culimada degaanka oo ugu dambeyn ay isla meel dhigeen haraadka loo qabo in dadweynaha lagu wacyi galiyo midnimada, qadarinta iyo ixtiraamka qawaanininta  shucuubta lala noolyahay oo aan la dhagrin sida ay fareyso diinta Maxamadiyada CSW.