Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweyne Asif Zardaari Oo Saxiiixay In Shareecada Lagu Xukumo Gobolka SWAT

Wednesday - April 15, 2009

Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Cali Zardari ayaa saxiixay qodob dalkaasi Pakistan gudihiisa muran dhaliyay oo shareecada Islaamka loogu soo rogayo gobolka Swat ee dalka Pakistan.

Saxiixa madaxweynaha ee goÂ’aankan waxa uu yimid ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay in madaxweyne Zardari uu ku tilaabsado balanqaadkii loo sameeyay Taliban.

In shareecada Islaamka laga hirgeliyo gobolka Swat waxay ahayd heshiis lagula galay bishii February Islaamiyiinta Taliban iyagoo kaasi kaga bedelanaya inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Madaxweyne Zardari ayaa markii hore dib uga gurtay inuu saxiixo heshiiskaasi ka dib markii ay dhaleeceyn kaga timid xulafadiisa reer Galbeedka.

Reer Galbeedku waxay ka walaacsan yihiin in hirgelinta shareecada Islaamka ay keento ku xadgudub badan oo dhinaca Xuquuqda aadamaha iyo in ay gacan helaan koxaha mintidiinta Islaamka ee gobolka ku sugan.