Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

dfgdfgnhg

Wednesday - April 15, 2009

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay khubaro Itoobiyaan ah oo Soo galay xuduuda Somaliland iyo kooxaha Budhcad badeed ee maraakiibta ku haysata Laasqoray 
 
 
Hargaysa (Oodweynenews)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta ka hadashay khuboro itoobiyaan ah oo la sheegay inay si sharci darro ah ku soo galeen xuduuda Somaliland, kuwaasoo sida waraku sheegeen macdan ka baadhayay Gobolka Gebilay ee Galbeed Magaalada Hargeysa.

Sidaana waxaa daboolka ka qaaday Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskisa magaalada Hargeysa, kaas oo sheegay in aanay khubaradaasi u socon inay macdan baadhaan balse ay u socdeen sida uu yidhi Wasiirku inay eegaan dadka Itoobiyaanka ee ku nool xuduuda.

Balse Wasiirka arrimaha Dibadu waxa uu qiray in aanay xog buxda ka hayn khuburadaas oo ay xukuumada ahaan dib isku noqon doonaan is ay u ogaadaan waxa ay u socdeen.

“Marka u horeysa waxaanu idiin cadaynayaa in Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya cilaaqaad aad iyo aad u fiican oo soo jireen ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ducaale, oo hadalkiisai intaa raaciyey oo yidhi “Arrintan kale anigu garan maayo meesha aad warka ka hesheen [Warbaahinta], waxaan idin cadaynayaa in Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay ka dhexeysay dalab ah inay eegaan jiida xadka. Waxaanay doonayeen inay daneeyaan maamulkeenan ka soo codsadeen in la eego adeegaya bulsho ee dadka reer Itoobiya ee xuduudooda, oo la eego dadweyaha degan ee ku nool.Wax macdan ah iyo wax sharci darro ah oo aanu ognahay ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku sii ladhay “Markaa waxaa weeye maamul ahaan waanu eegaynaa sida ay waxa u dhaceen. Arrintuna waa mid farsamo oo waxa la eegayaa bulshada oo xuduudooda ku eeg. Runtii Way ahayd  in cidi xageena (Somaliland)  ka joogto, oo  ay sifo sharci ah ayay ku yimaadeen. Markaa in la eego meesha xadhigu ka go’ay annaga (Xukuumada) ayaa dib iskugu noqonayna oo maanta haddii ay ariintu soo baxday aniga (C/laahi Maxamed Ducaale) ay I soo qaaday.”

Waxa kale oo uu Wasiirku Shirkan Jaraa’id waxa laga waydiiyay Kooxo budhcad badeed ah maraakiib ay soo afduubeen la soo galay xeebaha Laas qoray ee Somaliland, waxaanu sheegay inay xukuumada ahaan falkaas aad uga xun yihiin waxaanu yidhi “Dhacdaa Maraakiibta la afduubay xukuumada ahaan waanu ka xunahay, waanu dhalaacaynaynaa iyo kuwii hore u dhacay, Somaliland-na raali kamaa ha una dul-qaadanmayso marnaba inay Xuduudaheeda waxaas oo kale ka dhacaan.”

Waxaana uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi “Taasi waxay kuu muujinaysaa dhowr arrimood oo dhacay oo la doonayay inay Somaliland ka dhacaan waynu ka bad-baadnay, waxan ka dhacay jiida Badda maamulka Garoowe iyo koonfurta Soomaaliya waxaa ka socda Ilaahay wuu inaga bad-baadiyey, waxa la isku dayey oo la soo maleegay tiraba laba jeer in dadkeena lagu dhiiri-geliyo inay budhcad badeed ka abuuraan xeebaha Somaliland, taasna waxa daliil u ah dadkii lagu xidh-xidhay Berbera horta xukuummadu halkaas ayey ka taagan tahay wixii ay wax ka qaban kartana way ka qabanaysa.”

Isaga oo sharaxaad ka sii biximaya meesha arrintaasi ka dhacaday waxa uu yidhi “ Arrintan waxay ka dhacday xadka u dhow Boosaaso, waxaanu ugu baaqaynaa odayaasha jooga deegaanka Laasqoray iyo maamulkaba inay dhican wanaagsan ka eegaan oo maamuladda laga abuuray Garoowe iyo Boosaaso iyo wax caalamka ka socda in aanay naanays inoo soo jiidin.”