Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha " Dhaawacyada Ka Yimaada Dabka"

Thursday - April 16, 2009

Asalamu Aleykum,
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan waxuu ku saabsan Yahay:-Dhaawacyada ka Yimaada Dabka.
 
Guud ahaan waxyeelada iyo dhibaatada ka yimaada Dabka waxa garan kara qofkii horay u dhedhemiyay, ama arkay qof si ba'an u gubtay.  Jirka aadmiga wuxuu gubtaa marka shey kulul uu taabto ama la fal galo, waxa la dareemaa waxyeelada dabka oo shardi u ah in xaraarada sheyga uu wax badan ka sareeyo midka jirka oo lagu qiyaaso 37.4 C.  Gubashada jirka soo gaara waxey ka kala iman kartaa oo noqon kartaa, Adke (Solid Body), Dareere (Liquid), ama Bide (Vapour). Qofku haduu gubto, sida badan waxa loo baahdaa inuu la xiriiro takhtar si looga hor tago khatarta ka iman karta meesha gubatay iney ku beermaan noole-yaasha kala duwan ee isha qaawan  aysan qaban, kuwaa oo meesha dhawacantay ama boogta noqotay hurgun geliya kadibna malax u yeela.
Sidaa si la mid ah, qofka gubtay wuxuu ku sugnaan karaa, xaalad khatar ah marka jirkiisu gabo gudashada howl maalmeedka. Waxa lagama maarmaan ah in ilmaha da’doodu yartahay, qofka waayeelka ah, ama qofka horay bukaanka u ahaa, hadii ay gubtaan in si deg-deg ah loola gaaro xarun caafimaad si loo baaro, maxaa yeelay awooda iyo dulqaadka jirkooda wuu ka yaryahay midka qofka caafimaadka qaba ama xoogga leh. Hadii meesha gubatay yartahay, ugu horeynta ka saar hadii ay aad karto Fargashiga, Saacada, Dharka ku hareereysan, oo ciriiriga ku ah goobta dhaawaca gaaray inteysan bararin. Hadii xanuun aad u daran jiro, waxey u badan tahay in dhaawacu ku kooban yahay maqaarka kore, oo aysan u dhaadhicin gudaha jirka, sidaa darted waxaad ku qaboojisaa biyo si yar u socda oo qabow mudo gaareysa 10 ilaa 15 daqiiqo, markaa ka dib ku dabool maro ama fasaleeti nadiif ah. Hadii meesha gubatay bocool yeelato ama maqaarka ka dhoco ama ay dhuxulowdo ( midabkeeda u ekaado dhuxul), xanuun aad u darana jirin, waxey u badan tahay in gubniinku hoos ugu dhacay maqaarka, sidaa darteed kuded maro ama fasaleeti nadiif ah, si dhakhsi leh ugu kac qeybta gargaarka deg-dega ama takhtarkaaga hadba midkii kuu dhow.

Gubashada Wejiga: Marka qof ka gubto wejiga, qaado maro nadiif  ah ka duleeli meelaha ku aadan Indhaha, Sanka, iyo Afka, markaana ku ded wejiga.  Hadii qofka dhawaca ah uu miyir  qabo waxaad siisaa Biyo, Caano ama wixii kaloo la cabo oo u dhigma, dhacaanka iyo biyaha ka baxay jirkiisa.  Haduu Miyir Beelo, u seexi dhanka loo seexiyo qofka miyir-beela. Ugu horeynta u leexi madaxiisa dhinaca Bidixda, dibna u jaleeci si aad u furtid Hawo-mareenka, kor u qaad dhinaca kale ee oogadiisa adiga oo adeegsanaya barkin weyn. Hadii qof  ka gubto dhabarka, u seexi dhanka caloosha adiga oo u seexinaya habka loo seexiyo qofka marka la doonayo inuu soo miyirsado.

Digniin: Iska ilaali inaad adeegsato waxii jirka ku dhega sida Sharooto iyo wixii la mid ah. Iska dhowr  inaad marisid  meesha dhaawaca ah dawada dufanka ku jiro sida (Ointment). Hadii meesha gubatay bocool leedahay ha dilaacin bocoosha oo ha taaban meesha gubatay. Hadii dhaawucu aad u weyn yahay, marka ugu horeysa ka saar Fargashi, Saacad, Dharka ku dhegan jirka, intaan dhaawucu bararin.  Qabooji oo ku fur biyo si yar u socda oo qabow mudo gaareysa 10 ilaa 15 daqiiqad, xusuuso inaan wakhti badan kaa lumin adiga oo u baahan in dhakhsi aad u aragto takhtar, maxaa yeelay waxa dhici karta in dhaawucu khatar yahay.  Ku ded fasaleeti ama maro yar oo nadiif ah oo aad  ku qoysay biyo qabow oo nadiif ah,  ha taaban goobta dhaawaca ah, maxaa yeelay waxaad ku beeri kartaa noolayaal aan kuu muuqan oo gacantaada la socda kadibna keeni kara dhaawaca inuu boogoobo (Infection). U yeer shaqaalaha gargaarka deg-dega hadii aad u baahato gaariga lagu qaado dadka dhaawaca ah (Ambulance), ama ku dadaal si aad u gaarsiiso qofka gubtay rugta caafimaad ee kuugu dhow.