Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Alqaacida Oo Ku Wargalisey Adeegayaashooda Soomaaliya Iney Weeraraan Maraakiibta Iyo Dalka Jabuuti

Friday - April 17, 2009

Washington: Xubin sarre oo ka tirsan ururka Alqaacida oo lagu magaacabo Sa'id Ali Jabir Al Khathim Al Shihri kana soo jeeda dalka Sacuudi Arabia ayaa cajalad cod ah oo laga sii daayay telefeshinka laga leeyahay dalka Mareykanka ee la yiraahdo CBS ayaa waxa uu ugu baaqay kooxaha soomaliya ka dagaalama ee xiririka la leh Al qaacida inay weeraran dhulka xududduka ah ee Jabuuti halkaasoo ciidamada faransiisku ay ku leeyihiin xarun Mileteri oo weyn.

Sidoo kale waxa uu cajaladiisaasi ku sheegay in ay kooxaha muqaawamada ah ay weeraraan maraakiibta marta xeebaha Soomaliya isagoo yiri " waa inaad dagaalkiina aad kordhisaan kan badda iyo kan Jabuuti" Jabuuti ayaa waxa ku taala xarunta ugu weyn ee Mileteri ee faransiisku ku leeyahay Qaarada Afrika.

Waxa uu sidoo kale intaa ku daray in xeebaha Soomaliya ay adeegsadaan Gaalada, Yahuuda iyo weliba kuwa uu ku tilmaamay Carab balse uu sheegay inay ka guuleysan doonaan iyagoo kaashanaya Allah, wuxuuna yiri waxaynu gaari- doona Wadamadooda.