Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qodobada Ugu Door-roon Todobaadkaan

Monday - April 20, 2009

Qodobada ugu doorka roon todobaadkan dhamaadey waxa ka mid ahaa shirkii Maraykanka iyo Iiraan oo aan guul ku dhamaan.... Waxa kaloo dhacay shir ay ku kulmeen madaxweyne Obama iyo hogaamiyayaasha latin America oo socdey afar casho.... Waxa halkaasi ka dhacay gacan-qaad ama salaan madaxweyne Obama iyo madaxweynaha wadanka Venezuela Hugo Chavez, kaasoo hore ku sheegay madaxweynihii hore ee George W. Bush “shaydaan”. Waxa weryayaashu aad waxa uga qoreen, video-wna ka duubeen kulamadii Obama iyo Hugo, halkaasoo Hugo ku godoonsiiyey Obama buug oo hada shirkada iibka Amazon ka yahay NO 2.

Waxa kale oo barbar socda xiriirka ka dhexeeya Cuba iyo Maraykanka oo wararku xoojinayaan in abuurantay xiriir siyaasadeed cusub, taasoo Obama ugu yeeray Madaxweynaha Cuba ee Raul Castro in lagu jiro waqtigii bilowga xiriirka cusub ee labada wadan.