Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Soomaaliya Oo Loo Codsaday Lacag Lagu Maalgaliyo Xaalada Soomaaliya

Tuesday - April 21, 2009

UNICEF waxa ay codsaneysaa maaliyad degdeg ah oo lagu maalgeliyo barnaamijyaada xaaladaha degdegga ah ee lagu gargaarayo carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed. Iyada oo ay xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka sii dareysey, ayaa Christian Balslev-Olesen, oo ah Wakiilka UNICEF Soomaaliya, uu ugu yeerey bulshada caalamka in ay bixiso ballanqaad adag oo faahfaansan oo wax looga qabanayo baahida ka jirta Soomaaliya.

Ilaa bilowgii sanadka 2008da, ayaa dadka u baahan gargaarka bani’aadamnimada ee Soomaaliya jooga ay kor u kaceen 77 boqolkiiba. Marka laga soo tago iskahorimaadyada socda iyo xaaladda haqab-beelka cuntada ee ka sii dareysa, dadka Soomaaliyeed waxa hadda soo wajahay culays weyn oo ay sababtey abaarta iyo jiilaalka dabadheeraadey ee gaar ahaan saameeyey gobollada Bartamaha iyo kuwa Koonfureed, taas oo hoos u dhigtey cuntada la heli karo iyo nolol-raadsiga xoolo-dhaqatada.

“Carruurta ayaa ah kuwa ugu nugul xaaladda hadda jirta ee uu nolol-raadsigu aad u adkaadey. Sanadkan 2009ka, waxaa la rajeynayaa in in ka badan 300,000 ay heli doonto nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo ay ka mid ahaan doonaan 96,000 oo ay haleesho nafaqo-xumo aad u ba’an. Dadaallada joogtada ah ee aan adeegyada ka hortagga iyo daaweynta ku siineyno carruurta nugul ayaa ah kuwo aad muhiim u ah,” ayuu yiri Balslev-Olesen.

Sida ay qabto Waaxda Lafagurka Haqab-beelka Cuntada iyo Quudinta ee Soomaaliya (FSNAU), heerarka nafaqo-xumada guud oo durba si weyn uga sarreeysa heerka ugu hooseeya ee la filan karo marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah ayaa hadda ka sarreeya 18.6 boqolkiiba. Bartamaha Soomaaliya, heerarka nafaqo-xumada ayaa aad u halis ah oo ka sarreeya 20 boqolkiiba, halka Boosaaso oo Waqooyiga-bari ee Soomaaliya ku taalla – ay nafaqo-xumada ay halis tahay ayna ka sarreyso 27 boqolkiiba dadka gudaha ku barokacay. Gobollada koonfureed ayaa sidoo kale ay haleeshey biyo yaraan ba’an oo saameysey haqab-beelka cuntada ee dadka xoolo-dhaqatada ah.

Biyo yaraan iyo maqnaanshaha adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ayaa keentey in uu shuban-biyood ba’an uu ka dillaaco dhowr meelood iyada oo xaalado dhimasho lagu soo warramey. Cudurada biyaha la xiriira waxa ay si gaar ah ugu badan yihiin carruurta ka yar shan jirka.

“Saboolnimo ba’an, maamul la’aan iyo nabad-gelyo xumada ka jirta Soomaaliya ayaa keeney dhibaatooyin culus oo sidoo kale saameynaya dalal kale sida barokaca dadka iyo burcad badeedda baahdey. In kasta oo ay muhiim tahay in ay bulshada caalamku wax ka qabato nabad-gelyo xumada biyaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale iyana muhiim ah in dhulkana la geliyo maaliyad badan oo aan ku wajahneyn oo keliya adeegyada nafaha lagu badbaadinayo ee sidoo kale ku wajahan barnaamijyada muddada fog ee soo kabashada iyo horumarka.” Ayuu yiri Balslev-Olesen.

Kartida UNICEF ay u leedahay fulinta iyo kor u qaadista barnaamijyada ku aaddan carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed waxa aad hoos ugu dhigey maaliyad la’aan ba’an oo jirta 2009ka, iyada oo keliya 15 boqolkiiba qaybtii ay ku lahayd codsiyada isku jira ee bani’aadamnimada oo gaareysey $80 milyan la heley ilaa bartamaha bisha Abriil. Balslev-Olesen waxa uu xusay: “Qaaraanka deeq-bixiyeyaasha ee 2009ka ee ilaa hadda la heley lama jaanqaadayo baahida bani’aadamnimada ee inooga baahan in aan kor u qaadno waxqabadyadeenna. Ilaa hadda waxa aan lacag ka hormarsaneyney hay’adda si aan u sii wadno barnaamijyadeenna ilaa bisha Juunyo, haseyeeshee helitaanka maaliyadda oo sii daaha ayaa aad u yareyneysa kartida aan ku bixinno gargaarka oo aan ku gaarno goobo kale oo u gargaar degdeg ah u baahan”

In kasta oo ay xaaladuhu culus yihiin oo meelaha qaarna si yar loo gaari karo, haddana UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku guuleystey in ay dalka ku bixiyaan barnaamijyo waaweyn iyo kuwo ballaaran. Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta ayaa hadda laga fulinayaa Soomaaliya oo dhan, kaas oo lagu doonayo in 90 boqolkiiba dhammaan carruurta ka yar shan jirka iyo 60 boqolkiiba dhammaan haweenka ku jira da’dii dhalmada lala gaaro xirmo waxqabadyo caafimaad oo nolol lagu badbaadinayo kuwaas oo saameyn sare leh.

Intaa waxaa wehelisa, in ay jiraan qiyaastii 130,000 carruur aad u nugul ah oo da’doodu u dhaxayso lix ilaa 36 bilood oo soonanka Soomaaliya oo dhan kaga faa’iideysanaya qaybinta cuntada u diyaarsan in la isticmaalo ee Plumpy’doz, si looga hortago nafaqo-xumo ba’an oo soo gaarta dadka nugul. UNICEF – oo kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda ayaa sii wadda in la helo adeegyo caafimaad iyo kuwo nafaqeyn, biyo ammaan ah iyo fayadhowr, waxbarashada aasaasiga ah iyo tan dadban oo tayo leh, ilaalinta carruurta nugul, iyo sidoo kale abuurista fursado ay dhallinta kaga qayb qaataan dadaallada lagu soo nooleynayo bulshada.

“Waxa aan codsi degdeg ah u direynaa deeq-bixiyeyaasheena in ay taageeraan waxqabadyadan degdegga ah, gaar ahaan abaarta dabadheeraatey ee ka jirta Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya si loo yareeyo saameynta xun ee ay ku reebi karto haweenka iyo carruurta” ayuu raaciyey Balslev-Olesen.