Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maxkamad London Ku Taal Oo Dacwad Ku Qaadeysa Yaasin Cali Oo Lagu Eedeeyey Xiriirka Al-Qaacida

Wednesday - April 22, 2009

Lodon: Soomaali 32 jir ah sitana dhalasho Swedish oo la yirahdo Yaasin Ali ayaa Police-ka dalka Ingriisku gaar ahaan kuwa qaabilsan arimaha  Argagixisada ku soo oogeen ku-lug-lahaanshaha falal argagixiso... Maxkamadaynta ayaa maanta ka bilaabantay Magaalada London (Kingston Crown Court). Warka ayaa sheegaaya in Yaasiin Cali lagu eedeeyey in uu dhaqaale ugu tabarucay Horjoogayaasha kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab, kuwaas oo la ogyahay in ay xirir toos ah la leeyihiin Al-Qaacida.

Eedaysanahan oo wakhti dheer deggenaa dalka Swedan ayaa kal hore ama sanadkii tegay loo qabtay arimo la xariira Argagixisada,isaga oo in muddo ah ku jiray xabsi ku-meel-gaar ah oo ku yaala dalka Swedan halkaas oo ugu danbayntii laga sii daayay.