Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shiikh Shariif oo Fariin U Diray Usama Iyo Shiikh D. Aweys Oo Ku Soo Xerooday Mogdisho

Thursday - April 23, 2009

Masar- Qaahira- Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa fariin culus u diray Hoghaamiyaha ururka Al-qaacidda Sheekh Usama Bin Laden, wuxuuna ka dalbaday inuu faragelinta ka daayo shacabka Soomaaliyeed ee ay daashatay dhibaatooyinka iyo dagaallada ka soconaya Soomaaliya muddada ku dhow 20-ka sano.

Madaxwayne Shariif oo fariinta uu u diray Usama Bin Laden u sii mariyay Jaraa’idka “Al-Akhbaar” ee ka soo baxa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayuu kaga dalbaday Usama Bin Laden inuu ka joojiyo dacwadaha iyo fariimaha codka ah ee uu u jeedinayo dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo uu kaga codsanayo Usama Kooxaha Muqaawamada Soomaalida inay sii wadaan dagaallada ay kala soo horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

"Fariimaha uu Usama Bin Laden u jeedinayo Kooxaha Muqaawamada Soomaalida waa kuwo xaqiiqda ka fog, dadka Soomaaliyeedna uma baahna cid ku sii dhiirigelisa in dhiig badani qubto Isla markaana ay dhexdooda is dagaalaan mana haboona in fikir qaldan laga dhaadhiciyo dadka Soomaaliyeed” ayuu waraysigiisa ku sheegay Madaxwayne Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan dalka Masar.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inay jiraan culamaa’udiin Soomaaliyeed oo ku hawlan sidii ay dadka ugu sharaxi lahaayeen fahamka saxda ah ee diinta Islaamka, isla markaana ay heleen taageero fara badan oo dhanka shacabka ah isagoo xusay in xagjirnimadu aysan boos ku lahayn Soomaaliya xilligan la joogo.

Mar uu ka hadlayay Sheekh Shariif kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladdiisa ayaa waxa uu sheegay in xiriir joogto ah ay la leeyihiin kooxaha mucaaradka, isla markaana uu rajaynayo in wadahadallada uu kula jiro kooxahaasi ay miro dhalaan sida uu wareysigiisa ku sheegay.

 Fariintan uu madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed u diray hoggaamiyaha Shabakadda Al-qaacida Usama Bin Laden oo uu kaga codsanayo inuu joojiyo dhiirigelinta kooxaha Muqaawamada ee ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa ka dambeysay kagadaal markii qaar ka mid ah qalabka warbaahinta caalamka la soo geliyay fariin cod ah oo uu Usama Bin Laden ugu baaqayo kooxaha Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliya inay la dagaalamaan dowladda uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo sidoo kale Ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM.