Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dawlada Meles Zanawi Itoobiya Oo ka Badbaaday Afgambi Lala Maagana

Sunday - April 26, 2009

War illa shalay iska soo daba dhacayey oo soo gaaray shabkadaan Galdogob Times ayaa tilmaamaya in magaalada Adis ababa u ka socdo warar ay dadweynaha isla dhex marayaan oo tilmaamaya in taliska wadanka Ethiopia uu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay oo ay sameeyeen saraakiil ka mid ahaa ciimada Qalabka sida ee wadankaasi iyo
kuwa kale oo dowladda u shaqeeya.

Sida la sheegayo dadka magaalada ayaa ka warhelay ciidamo farabadan oo soo buux dhaafiyay wadooyinka Addis Ababa kuwaas oo ah ciidamo Tigre ah oo si gooni ah loogu tababaray ka hortaga mucaaradka iyagoo markaasi baaritaan ugu dhaqaaqay meelo kamid ah magaalada waxaana la sheegay in loo xir xiray arrintan in ka badan 35 qof oo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Shaqaale ka tirsan Dowlada Federaalka oo jagooyin sare ka haya maamulka  dawlada.

Xukumada Meles ayaa iyadu markiiba eedayn dusha uga tuurtay Xisbiga Siyaasiga ah ee Ginbot7 oo ay ku sheegeen
inuu ka danbeeyay Afgembigan.... Hogaamiyaha Xisbigaas oo lagu magacaabo Berhanu Nega ahna Macalin jaamaceed ayaa lagu eedeeyay inuu abuulay afgembigan xilli uu ka maqan yahay dalka iyadoo la sheegay in la xiri-doono marka uu wadanka ku soo noqdo.

Xisbigan ayaa horey u sheegay in Xukumada Meles aysan aqoon Luuqada Wada hadalka iyo Demoqraadiyada balse uu yaqaaan oo kaliya luuqada xooga iyo Afgembiga waa sida ay hadalka u dhigeene.