Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 May 2024

Ciidamo Si gaar AH U Ugaarsanaaya AL- Shabaab Oo Mogdisho Laga Abaabulay

Monday - April 27, 2009

Muqdisho : Kadib Markii lagu guuldaraystay dhex-dhexaadin laga dhex waday Golaha Maxkamadaha iyo Kooxaha Al-Shabaab, ayaa Maxkamaduhu dhankooda ka bilaabeen qorshe ay iskaga caabinayaan weerarada kaga imaanaya dhinaca Al-Shabaab.... Weeraro rogaal celin ah oo ay qaadeen ciidamada Maxkamaduhu todobaadkan ayey ku dileen ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Golaha Maxakamadaha ayaa dhisay laba kooxood oo ugaarsada xubnaha Al-Shabaab si ay uga sifeeyeen Magaalada Muqdisho.... Madaxdii kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaan iskaga baxay Muqdisho labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxana hada la ugaarsanayaa dhalinyaro yar yar oo ka tirsan Al-Shabaab Muqdishana u jooga in ay laayaan xubnaha dowladda Shariifka ka tirsan.