Dagaalo Naflacaari Ah Oo Lagu Khasaaray Iyo Dhinacyada Hardamaya Oo Faan Isku Rogay
Friday - May 22, 2009
Dagaalkii doc ka weerarka shalay Iyo Saaka ka bilawday Muqdisho oo sii laba kacleeyey,waxaana goor dhow dib u soo laba kacleeyay Ciidamadii Dowladda oo waabarigii shalay ku kalahay goobahaas, balse markii dambe badankood dib loo soo caabiyay oo maleeshiyadi dawlada celyada dib u liqeen.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamadi iyo meleshiyadi Dowladda ay qabsadeen goobihii markii hore ee shalay ay tageen, sida Isgoyska Aadan Cadde, H/wadaag, Isgoyska Bakaaraha iyo Folorensa, waxaana abaabulka gurmadka xoogiisa uu haatan ka socdaa dhinaca Isgoyska Bakaaraha oo laysku hor fadhiyo
Wariye ku sugan Degmada H/wadaag ayaa xaqiijisay in Ciidamada Dowladda ay shalayba dib u soo rogaal celiyeen, isagoo sheegay in maanta afka hore ee Suuqa Bakaaraha la iska eeganayo
Ciidamada Dowladda ayaa saaka markale gudaha ugu siqay gudaha Suuqa Bakaaraha, inkastoo dib looga soo caabiyay, waxaana xaalada ay u muuqataa mid mar in qolo meel loo riixayo, iyadoona aan ilaa iyo hada la saadaalin Karin halka uu xaal ku dambeyn doono.